suhedoon

a blog who has high-quality

Bal ila akhri

Mucjisooyinka Geela:-
• Indhaha geela: isha geelu waxa ay leedahay 
baalal badan oo u saamaxaya in uu isku xidho 
indhaha xilliga dabaysha iyo siigadu(boorka) ay 
dhacayso ayadoo hadana arkaysa ilayska iyo iftiinka, 
waa sida muraayadaha indhaha oo kale.
• Sanka geela: Geelu waxa uu leeyahay laba san
oo waawayn oo xidhmi kara xilliga dabayshu
dhacayso, waxa sanka ugu jira warshad qaboojisa
hawada kulul sido kalena kulaylisa hawada qabow,
si hawada ay qaadanayso ay u noqoto mid isu dheeli
Tiran markasta. 
Sidoo kale geelu sanka waxa uu ku uriyaa dhirta, 
roobka iyo goobta ay joogaan walaalihiis. 
• Afka geela: afka geelu waxa uu leeyahay laba 
dibnood, tan sare way kala jeexantahay si ay u 
cunto dhirta qodxaanta leh. 


• Dhagaha geela: geelu waxa uu leeyahay dhago 
yaryar oo soo taagan, waana kuwa jilicsan oo 
laabmi kara, waxayna hoosta ku leeyihiin dhogor 
badan oo ka celinaysa in boodhku soo galo dhegta.